Mudaaharaadyada oo Itoobiya ka sii socda

Khariiradda Itoobiya
Image caption Khariiradda Itoobiya

Mudaaharaadyada ayaa ka sii socda dalka Itoobiya boqolaal dad ah ayaana isugu soo baxay wadooyinka magaalada waqooyiga ku taalla ee Gondar iyaga oo dawladda dhaliishan.

Waxay qaadayaan halkudhagyo ay dawladda kaga soo hor jeedaan.

Mar ayayna isku gadaameen dhismaha maxkamadda ugu wayn magaaladaas.

Waxaa jira warar sheegaya in booliiska iyo mudaaharaadayaashu ay isku dhaceen dad ay dhaawacmeen.

Qof ay BBC-du la hadashay ayaa sheegay in isaga iyo dad badan oo kale lagu qasbay in ay guryaha joogaan.

Axaddii hore kumanaan dad ah oo ku sugan magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ayaa wadooyinka isugu soo baxay iyaga oo dhigay mudaaharaad nadir ah.

Dadka u dhaqdhaqaaqa qawmiyadda Itoobiya u badan ee Oromada ayaa ku baaqay mudaaharaad kaas la mid ah iyaga oo sheegay in ay diidan yihiin waxa ay ugu yeereen dilka lagu hayo bulshadooda iyo ku tumashada xuquuqdooda.

Qawmiyadaas ayaa mudaaharaadaysay tan iyo bishii 11 eesanadkii 2015.

Hay'addaha xuquuqda aadanaha u doodana waxay sheegeen in la dilay 400 oo ruux tan iyo markii uu dibadbuxu bilawday

Rai'sal wasaaraha Itoobiya Hailemarian Deslagen ayaa dhaliilay dibadbaxa wuxuuna sheegay in uu sharci darro yahan oo aan ruqsad loo haysanin.