Rio 2016: Ciyaaryahannada naafada ah ee Ruushka oo Olimbiga laga mamnuucay

Tiketka lagu galayo ciyaaraha dadka naafada ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Rio ayaa martigalinaysa wareegii qaybtii 15 ee ciyaaraha xagaaga ee dadka naafada ah

Ciyaaryahannada naafada ah ee Ruushka ayaa laga mamnuucay in ay ka qaybgalaan ciyaaraha Olimbiga ee ka socda magaalda Rio arrintaas oo dabo socota fateexaddi dalkaasi ku habsatay ee ku saabsanayd dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee mamnuuca ah.

Guddiga caalamiga ah ee ciyaaryahanada naafada ah ee magacooda loo soo gaabiyo IPC ayaa xaqiijiyay mamnuucitaanka arrintaas oo dabo socotay warbixintii McLaren.

Warbixinta oo la daabacay bishii hore ayaa sheegtay in Dawladda Ruushku ay keentay qorshe ciyaaryahanadu ku isticmaaleen dawooyinka awoodda jirka kordhiya oo mamnuuca ah.

Gudiga ciyaaryahannada naafada ah ee Ruushka ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaadan doono maxkamadda caalamiga ah ee ciyaaraha.

Gudiga guud ee calamiga ah ee Olimbiga ayaa horay go'aan ugu gaaray in uusan wada ciqaabin ciyaaryahanada Ruushka oo dhan.