Ruushka oo ka hadlay eedda ka dhanka ah ciyaartooydiisa

Russia games rio Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption RIO

Dowladda Ruushka ayaa si carro leh uga jawaabtay mabnuuciddii laga mabnuucay ciyaaraha Olombikada.

Ruushka ciyaartoydiisa waxaa lagu haystaa inay isticmaaleen dawada jirka xoojisa.

Racfaan ayuu arrinka Ruushka ka qaatay. Wasiirka arrimaha dibadda oo hadlayna waxuu cambaareeyey go'aankan.

Wasiirka ayaa sheegay in go'aankan uu ahaa mid bani'aadinimada ka baxsan.

Dowladda Ruushka waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay waxyeelaysay dhammaan ciyaaraha Athletikada.

Eedaha la xiriira isticmaalka dawada jirka xoojisa ayaa noqotay arrin haraysay ciyaaraha Olombikada.

Dalka Kenya ayaa sidoo kale laga mabnuucay qaar ka mid ah ciyaartoydiisa tartankan.

Ciyaaraha Olombikada ee Brazil ka socda waxaa ka qaybgalaya boqolaal ciyaartod oo ku tartamaya ciyaar walba oo aduunka laga dheelo