Lamine Kone oo doonaya in uu ka tago Sunderland

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lamine Kone ayaa gool ka dhaliyay Everton ciyaartii u dambaysay ay gurigeeda kula dheeleen Sunderland

27 Jir kan lagu magacaabo Lamine kone una dhashay dalka Ivory Cost ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda Everton ee horyaalka dalka ingiriska ka dheesha isaga oo kuso biiray kooxda Sunder Land horaantii sanadkan 2016, wuxuuna ka caawiyay kooxdaasi in ay kusii nagaato horyaalka Ingiriska.

Go`aanka kone aya yimid kaddib markii kooxdaasi ay ka soo bixi weyday heshiisyo ay horay ula galeen ciyaaryahankan.

Kone ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in uusan qeyb ka aheyn qorshaha mustaqbalka ee Tababaraha Koxda Sunderland ee David Moyes isagoo na ka dalbaday in uu isaga tago kooxdaasi.

Kooxda Sunderland ayaa ciyaarta ugu horeysa ee horyaalka Ingiriska la dheeli doonta kooxda Manchester City maalinta sabtida ah.