Patrick Hickey: Madaxa gudiga olimbiga Yurub oo lagu xiray Rio

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Patrick Hickey ayaa sidoo kale fariista gudiga caalamiga ee ciyaaraha Olimbiga

Gudoomiyaha gudiga ciyaaraha olimbiga ee Yurub, Patrick Hickey, ayaa boliis ku xiray magaalada Rio iyagoo baaraya tigityo ciyaaraha Olymbiga oo si sharci daro loo iibiyay.

Mr Hickey ayaa sidoo kale madax u ah Golaha Olimbiga ee Ireland.

Waxaa la aaminsan yahay in looga shakisan yahay ticket loogu tala galay inuu si qaali ah ugu iibiyay suuqa madaw.

Wariyaha BBC ee Rio ayaa sheegay in Mr Hickey la geeyay isbitaal markii la xiray, ka dib markii uu waydiistay daawo.