Elaine Thompson oo ku guulaysatay orordka 200 mitir ee gabdhaha

Rio Olympics Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Elaine Thompson oo filanwaa ay ku noqotay guusha ay gaartay

200 Mitir ee gabdhaha, finalka waxaa billadda dahabka ku guulaysatay Elaine Thompson - Jamaica, Daphne Schippers - Netherlands waxay ku guulaysatay billadda qalinka, Tori Bowie - Maraykanka waxay ku guulaysatay biladda maarta.

100ka mitir ee qori ka boodka gabdhaha, Brianna Rollins, Nia Ali iyo Cristi Castlin oo dhamaantood Maraykan ah ayaa seddexda billadoodba qaatay.

200 mitir ee ragga, Semifinalka waxaa ku guulaystay Usain Bolt - Jamaica, Andre de Grasse - Canada, Adam - Gemili Britain.

Conseslus Kipruto oo Kenya u dhashay wuxuu jabiyey rikoorka Oloombigga ee orodka 3000 mitir ee qori ka boodka. Wuxuu ku orday 8:03.28.

Naymar wuxuu dhaliyey goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa cayaaraha Olombigga. Sekenkii 14aad ayuu shabaqa Honduras suray gool ka mid ah 6 gool oo kooxdiisa Brazil ay ugu soo baxday cayaarta kama dambaysta ah, ka dib markii ay semifinalka ka soo badisay Honduras oo aan wax gool ah dhalin. Sabtida ayey garoonka Maracana cayaarta kama dambaysta ah ku kulmi doonaan Jarmalka oo Nayjeeriya 2-0 uga soo badiyey,11:30 habeennimo ee Afrikada bari.