Mo Faarax oo ku guulaystay orodka 5,000 ee Oliimbigga

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mo Faarax oo u dabaaldagaya billadda dahabka ee 5,000 mitir.

Mo Faarax wuxuu markii labaad oo xiriir ah ku guulaystay billadda dahabka ee orodka 5,000 ee mitir ee cayaaraha oliimbigga ee ka socda Rio de Janeiro.

Wuxuu ku orday 13.03.30. Kaalinta labaad waxaa galay Paul Chelimo oo u ordayey Maraykanka. Wuxuu ku orday 13.03.90, wuxuuna qaatay billadda qalinka, kaalinta seddexaadna waxaa billadda maarta ku guulaystay Hagos Gabrehewit oo u ordayey Itoobiya oo ku orday 13.04.35.

Sidoo kale wuxuu Mo Faarax hore ugu guulaystay markii labaad oo xiriir ah billadda dahabka ee orodka 10,000 mitir ee oliimbigga.

Mowduucyada la xiriira