Bale oo 2 gool dhaliyay iyo Real Madrid oo badisay

Bale oo kooxdiisa ka caawiyay badintii u horaysay ee xilli ciyaareedka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Bale oo kooxdiisa ka caawiyay badintii u horaysay ee xilli ciyaareedka

Ciyaaryahanka reer Wales ee afka hore ka dheela ayaa naadigiisa Real Madrid u dhaliyay labo gool iyada oo ciyaartii u horaysay ee La Liga-ha ay ay ka adkaadeen Real Sociedad.

27 jirkan ayaa gool teesto ama madaxa ku dhaliyay markii ay ciyaartu socotay 72 daqiiqo, intaas kaddibna waxaa si qurux badan u labeeyay Marco Asensio.

Bale ayaa markale gool ka dhaliyay Geronimo Rulli daqiiqaddii u dambaysay ciyaarta.

Balse taageerayaasha Sociedad ayaa sacabaynayay sagaashankii daqiiqo ee ciyaartu socotay iyaga oo ku xusayay Dalian Atkinson oo ah dhaliyahoodii hore oo dhintay Isniintii.

Atkinson markii uu kooxdan u ciyaarayay wuxuu qaadan jiray lambarka sagaalaad xilli ciyaareedkii 1990-91.

Dhanka kalana Atletico Madrid oo xilli ciyaareedkii hore ku dhamaysay kaalinta saddexaad ayaa barbaro 1-1 la gashay kooxda Alaves oo hadda ku soo biirtay La Ligaha.

Kooxda martida loo ahaa ayaa u muuqatay in ay badiyeen kaddib markii dhamaadkii ciyaarta uu rigoore u dhaliyay Kevin Gameiro, kaddib markii khalad laga galay Fernando Torres.

Si kastaba ha ahaatee kooxdii martida ahayd oo markii hore muujisay hami yar ayaase barbaro keentay ilbiriqsiyadii u dambeeyay kaddib markii uu gool qurux badan u dhaliyay Manu Garcia.

Jawi aan wanaagsanayn ayaa ka jiray ciyaartii gurigeeda lagu qabtay Sporting Gijon ee ay la dheeleen Athletic Bilbao.

Tababaraha ayaana hakiyay ciyaarta kaddib markii taageerayaashii martida loo ahaa ay ku qaylyeen hadallo cunsuriyad ah oo loola jeeday Inaki Williams oo ah ciyaaryahankii afka hore uga dheelayay kooxdii martida ahayd.