Allardyce oo xaqiijiyay in Joe Hart uu safan doono

Joe Hart Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Joe Hart

Tababaraha cusub ee England Sam Allardyce ayaa sheegay in Joe Hart uu ka mid noqon doono kooxdiisa bisha soo socota la dheeli doonta xulka Slovakia, ciyaartaas oo ka tirsan is reebreebka loogu soo baxayo Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka.

Hart oo 29 jir ah ayaan wali u safanin naadigiisa Manchester City xilli ciyaareedkan waxaana loo sheegay in uu koox kale aadi karo haddii uu isagu danaynayo.

Allardyce ayaase Sky Sports News u sheegay in Hart uu ka mid noqon doono kooxdiisa laakiin intaas kabadan uusan ka hadli Karin inta ay ka kulmayaan.

Allardyce wuxuu magacaabi doonaa Axaddan magacyada xulka Englan uga qaybgali doona ciyaarta ka dhici doonta magaalada Trnava 4-ta September.

Goolhaye Hart ayaa 63 jeer guul u soo hoyiyay England, laakiin wuxuu wajigabax kala kulmay ciyaarihii Koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee 2016-kii, isaga oo khaladaad sameeyay ciyaarihii ay la yeesheen Wales iyo Iceland iyada oo England lagu reebay wareega 16-ka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Euro 2016: Kolbeinn Sigthorsson ayaa goolka labaad u dhaliyay Iceland sidaa ayayna England kaga badiyeen 2-1.

Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola aad uma xiisaynayo Joe.

Everton ayaa aad u danaynaysa in ay soo saxiixato Hart oo aan isagu doonayn in uu ku biiro Sevilla ama Borussia Dortmund oo raba.

Mowduucyada la xiriira