Fabregas oo meesha ka saaray in aysan isku wanaagsanayn Antonio Conte

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Fabregas wuxuu dheelay 37 ciyaarood oo ka mid ah 38-dii kulan ee xilli ciyaareedkii hore

Cesc Fabregas oo kooxda Chelsea khadka dhexe uga dheela ayaa meesha ka saaray wararka tilmaamaya in aysan isku wanaagsanayn tababare Antonio Conte.

Waxaa lagu waramay in tababaruhu uu Fabregas oo 29 jir ah u ogolaaday in uu kooxda ka tago kooxda kahor inta uusan dhamaanin suuqa kala iibsiga ciyaaraha.

Si kastaba ha ahaatee Fabregas ayaa baraha bulshada soo dhigay in uu wanaagsan yahay xiriirka u dhaxeeya isaga iyo macallinkiisa.

"Macallinku marnaba iima sheegin in aan kooxda ka tagi karo" ayuu qoraalka sii raaciyay Fabregas

"Macallinkuna wuu igu xisaabtamayaa sida aan aniguba ugu xisaabtamayo. Waana sii wadi doonaa in aan u dadaalo kooxda tan iyo dhamaadka, sida ugu wanaagsan ayaana ugu ciyaari doonaa."

"Way iga go'antahay in aan Chelsea u sii ciyaaro ujeedada kali ah ee aan leeyahayna waa in aan goolal badan u dhaliyo.

Ciyaaryahankan oo horay ugu soo dheelay Barcelona iyo Arsenal ayaa 97 jeer u saftay Chelsea laakiin lama ciyaarsiinin kulankii ay 3-0-ta kaga badiyeen Burnley sabtidii.