Soomaaliya oo ka qayb galaysa cayaaraha Paralympics
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo ka qayb galaysa cayaaraha Paralympics

Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil waxaa caawa ka furmi doona ciyaaraha Paralympics ee dadka naafada ah, taasoo ay dalal badan ka qeybgalayaan. Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya Farxaan Hadaafow, oo orodka baaskiilka ku matali doona, waxaana uu tartami doonaa maalinta Jimcaha ah ee 9-ka bishan September.

Farxaan ayaa muddo ku tababaranayay Talyaaniga, waxaana leylinayay macallin u dhashay dalkaasi.

Haddaba diyaargarowga Farxaan iyo waxa laga rajeynayo ayaa waxaannu ka wareysannay Xoghayaha Guddiga Ciyaaraha Naafada ee Soomaaliya, Sayid Cali Axmed Maxamuud (kuukay) oo Farxaan Hadaafow haatan kula sugan magaalada Rio. Wuxuu u warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo ugu horreyn Sayid Cali waydiiyay sida uu ciyaaryahanka matalaya Soomaaliya ugu diyaargaroobay ciyaarahan.