Real Madrid iyo Atletico Madrid oo FIFA ay diidday racfaankoodii

Astaamaha kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid
Image caption Astaamaha kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa waxa ay ku guuldareysteen racfaan ay ka qaateen xayiraado ay FIFA ku soo rogtay oo loogaga hor istaagay inay labada xilli ee soo aaddan ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay kala soo saxiixdaan ciyaartoy cusub.

Labada kooxood ayaa dood ka muujiyay go'aanka ay gaartay hay'adda maamusho ciyaaraha kubadda cagta caalamiga ah, go'aankaasi oo ah ciqaab ay ku mutaysteen markii ay jabiyeen shuruucda kala iibsiga ciyaartoyda ajaanibta ah ee ay da'doodu ka hoosayso 18 sano.

FIFA ayaa markii hore bishii Janaayo xukuntay kiiska, hasayeeshee racfaanka ayuu ujeedkiisu ahaa in labada kooxood ay ciyaartoy xagaagan la soo saxiixan karaan.

Kooxahan ka dhisan dalka Spain ayaa haatan waxa ay racfaankooda u gudbisan doonaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Ciyaaraha.

Bayaan ka soo baxay kooxda 11 jeer ku guulaystay Koobka Horyaalada Yurub ee Real Madrid ayaa lagu tilmaamay go'aankaa "mid aan cadaalad aheyn oo ka soo horjeeda mabaadii'da asaaska u ah xeerka anshaxa".

Atletico Madrid ayaa iyana sheegtay in ay mar horaba kiraysatay "koox khubaro caalami ah oo kiiskaasi ka difaacda xuquuqdeedana ilaaliya".

Baaritaanka FIFA ayaa ku saabsanaa ciyaartoyda ay da'dooda ka hoosayso 18 sano ee u saftay kooxda Atletico intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2014, Real Madrid-na laga soo bilaabo 2005 ilaa 2014.