Khilaaf u dhaxeeya Toure iyo Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee Man City, Yaya Toure. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Laacibka khadka dhexe ee Man City, Yaya Toure.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inuusan Yaya Toure safi doonin ilaa iyo inta uu raalli galin ka siinayo naadiga iyo cayaartoydaba hadal ka soo yeeray ninka wakiilkiisa ah.

Toure oo 33 jir ah, hal mar oo kaliya ayaa garoon lagu arkay tan iyo markii uu billowday horyaalka hadda socda ee PL. Wakiilkiisa Dimitri Seluk, wuxuu sheegay in laacibkan khadka dhexe ka ciyaara la bahdilay oo ay tahay in Guardiola uu raalli galin siiyo haddii kooxdu aysan guul ka gaarin tartanka, Laakin Guardiola wuxuu leeyahay 'waa inuu raalli galin bixiyaa, hadduusan bixinna ma cayaari doono'.

Dhanka kalena, Yaya Toure wuxuu ku sheegay bartiisa twitterka inuu ka fariisanayo cayaaraha heerka qaran. Wuxuu sheegay in la gaaray wakhtigii usha lagu wareejin lahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye, cayaartoy da' yar.