Labada Manchester oo markale kulmaya

Pep Guardiola ayay guushu ku raacday ciyaartii tobankii bishii sagaalaad ka dhacday garoonka Old Trafford
Image caption Pep Guardiola ayay guushu ku raacday ciyaartii tobankii bishii sagaalaad ka dhacday garoonka Old Trafford

Labada Manchester ee United iyo City ayaa isku arki doona garoonka Old Trafford iyaga oo ay dhex mari doonto ciyaar ka tirsan wareega afraad ee koobka EFL ama League Cup.

United ayaa ka soo badisay kooxda Northampton Arbacadii halka City-na ay 2-1 kaga soo badisay Swansea iyaga oo suurtagaliyay in labada kooxood ay mar kale is arkaan kaddib markii City ay 10 bishan sagaalaad ay ka adkaatay United.

City oo koobkan gool ku laad kaga qaaday Liverpool xilli ciyaareedkii hore ayaan wali laga badinin sidii uu u yimid tababare Pep Guardiola xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu maamulo Jose Mourinho ee United-na waxay soo afjartay saddex guul darro oo xiriir ahaa oo soo wajahay.

Dhanka kalana West Ham waxay martigalin doontaa kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea, iyada oo Tottenham-na ay u safri doonto Liverpool.

Ciyaarahan waxay dhici doonaan todobaadka ka bilaabanaya 24 bisha tobnaad.

Isku aadka oo dhamaystiran

West Ham v Chelsea

Manchester United v Manchester City

Arsenal v Reading

Liverpool v Tottenham

Bristol City v Hull

Leeds v Norwich

Newcastle v Preston

Southampton v Sunderland