Fifa oo kala dirtay guddiga la dagaalanka cunsuriyadda

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Emmanuel Frimpong oo reer Ghana ah, horayna ugu soo ciyaaray Arsenal ayaa laga saaray ciyaar uu u dheelayay kooxda FC Efa ee ka dhisan dalka Ruushka sanadkii hore ka dib markii uu ka jawaab celiyay hadallo cunsuriyad ah lagu yiri

Ururka kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa kala diray guddiga la dagaalanka cunsuriyadda, wuxuuna sheegay in hawshiihii ay dhamaatay inkastoo ay sii socoto walaaca laga qabo dabeecadaha cunsiriyadda ee wali ka jira dalka Ruushka oo martigalinaya Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee sanadka 2018-ka, sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee Associated Press.

Fifa ayaa u qortay guddigaas in ay si buuxda u guteen hawshii ku meel gaarka ahayd ee loo idmaday isla markaasna ay hadda hawshoodii dhamaatay lana kala diray, waa sida ay qoraalkeeda sii raacisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Osasu Obayiuwana oo horay xubin uga soo noqday gudigaasi ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in uusan la yaabin go'aankan.

Wuxuu intaas sii raaciyay in cunsuriyadda kubaddu ay sii socto uuna u baahan yahay in si joogto ah looga war hayo.