Tababarihii xulka qaranka England oo "fadeexad la kulmay"

Sam Allardyce
Image caption Sam Allardyce

Sam Allardyce waxa uu sheegay inuu si weyn uga niyad jabay inuu iska casilo xilkiisaa macallimnimada ee xulka qaranka England.

Allardyce waxa uu tababare u ahaa kooxdaasi 67 maalmood oo keli ah.

Arrintan ayaa waxa ay timi ka dib markii wargeys uu daabacay in la siiyay talo ku saabsan sida la isu dabamariyo shuruucda kala wareejinta ciyaartoyda.

Allardyce ayaa raali gelin kal iyo lab ah ka bixiyay arrintaasi. Wuxuuna sheegay inuu garwaaqsaday qaar kamid ah hadalladiisa sababay amakaagga.

Xiriirka ciyaaraha kubadda cagta ee England ayaa waxa uu sheegay ina tababaraha uu sameeyay arrin aan habooneyn.

Heshiiskii uu ku haayay shaqada oo laba geesood ahaa ayaa burburay, sida ay xiriirka FA-da ay ku warramayaan.

Gareth Southgate ayaa sii maamuli doona ciyaaraha kubadda cagta ee xulka qaranka England.

Allardyce, oo 61 sano jir ah, ayaa laga duubay muuqaal isagoo sheegaya inaysan dhibaato ahayn in sharciga la baalmaro oo qof sedaxaad uu yeesho ciyaaryahan xilliga kala wareejinta, ayna jiraan dalaaliin uu garanayo oo muddo arrintaasi ka shaqeynayay.

Baaritaanka uu wargeyska The Telegraph sameeyay waxaa sidoo kale lagu sheegay in heshiis ay ku baxday £400,000 uu Allardyce galay asigoo adeegsanaya xilkiisa tababarenimo.

Waxaa lagu xusay baaritaanka in shirkad lagu magacaabo Maalgashadayaasha Far East uu u noqday qofka ku matalaya kullan muhiim ahaa.

Allardyce waxaa xilka macallinka xulka England loo magacaabay bishii July, ka dib markii 22 sano uu leyliye u ahaa kooxaha Bolton, Blackburn, Newcastle, West Ham iyo Sunderland.

Mowduucyada la xiriira