Yaa badeli doona Tababare Sam Allardyce?

Tababaraha kooxda Arsenal Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arsenal Wenger

Tababarahii hore ee xulka qaranka England , Sam Allardyce's ayaa shaqada ka tagay ka dib 67 malmood oo uu tababare ka ahaa xulka England, muddadaasna hal ciyaar oo kali ah ayuu qaranku dheelay.

England ay billowday inay raadiso qofkii badeli lahaa Allardyce iyadoo uu xulku ka fikirayo in uu si ku meel gaar ah tababare u noqdo Roy Hodgson.

Xulka ayaa raadinaya tababare khibrad u leh inuu hoggaamiyo Xulka England. Tabaraha xulka Arsenal, Arsen Wenger ayaa ka mid ah dadka ay u badantahay in loo dhiibo Xulka England.

Gudoomiyihii hore ee Xulka Kubadda Cagta ee England, Mr Greg Dyke aya BBC-da u sheegay inuu taagersan yahay tababaraha kooxda Arsenal , Wenger, haddii loo dhibana in uu layliyo xulka England ay noqon doonto tallaabo aad u wanagsan.