Mourinho: Waxay ahayd inaan 6-0 ku badino

Martial ayaa gool dhalin 10 kii ciyaar ee u dambeysay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Martial ayaa gool dhalin 10 kii ciyaar ee u dambeysay

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in ciyaartii "quruxda badneyd" ee ay la yeesheen Stock City inay ahayd inay si wanaagsan u badiyaan, halkii ay barbardhac 1-1 ah ay la gali lahaayeen.

Goolka uu dhaliyay Joe Allen, ayaa United u diiday guul inay gaaraan, laakiin Mourinho ayaa ciyaartaasi ku tilmaamay inay ahayd tii ugu wanaagsaneyd ee xilligan ay dheeleen.

"Waxay ahaan lahayd mid kamid ah natiijooyiinka wanaagsan", ayuu BBC-da u sheegay, wuxuuna intaa ku daray "waxaan ku badin lahayn 5-0 ama 6-0".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Paul Pogba ayaa dhowr jeer isku deyay inuu goolal dhaliyo

"Waxaan helnay fursado fiican, difaac fiican, goolal badanna waan dhalin waynay. Xaqiiqdii mararka qaar si xun ayaan u ciyaarnaa waana badinaa" ayuu hadalkiisa ku sii daray, macallimka Manchester United.

Kooxda United ayaa ciyaarta ku wanaagsaneyd, 24 jeer ayey isku deyeen inay goolal dhaliyaan, sagaal ka mid ah gool-hayaha ayaa ka qabtay.

Anthony Martial oo badal ku soo galay ayaa goolka u dhaliyay Manchester United, daqiiqaddii 69-aad, inkastoo dib laga bareejeeyay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan