Guryaha xaafadda Islii oo buuxdhaafay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guryaha xaafadda Islii oo buux dhaafay

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxay ka mid tahay magaalooyinka Afrika ee aadka u sii buux dhaafaya.

Boqolkiiba 60 bulshada ku dhaqan magaaladani waxay ku nool yihiin xaafadaha isku raranta ah ee dadka danyarta ahi degan yihiin.

Sanadihii u dambeeyay dowladda Kenya waxay waday dadaallo ay dib ugu habeynayso xaafadaha isku raranta ah ee Nairobi, iyadoo isticmaalaysa qaabab kala duwan, sida inay dumiso guryaha loo dhisay sida sharci darrada ah iyo in xoog lagu banneeyo meelo hore u xirnaa.

Haddaba xaafadahaasi ay dadka faraha badani ay ku nool yihiin waxa ka mid ah xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caate ayaa tegay oo warbixintan ka diyaariyay ciriiriga deegaan ee ka jira xaafaddaas.