Rooney oo ka hadlay mustaqbalkiisa ciyaaraha kubadda cagta

Wayne Rooney oo saxaafadda la hadlay Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Wayne Rooney oo saxaafadda la hadlay

Ciyaaryan Wayne Rooney oo shir jaraa'id qabtay ayaa waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay meesha uu ka ciyaarsiiyo macallimka sida ku meel gaarka ah u leylin doona xulka England, Gareth Southgate.

Mar la weydiiyay inuu weli doonayo inuu ka ciyaaro khadka dhexe wuxuu ku jawaabay, "Su'aashaas waan ku daalay, marar badan ayaan ka jawaabaa".

"Isla jawaabtii ayaan ku celinaayaa, waxaan ka ciyaari doonaa meesha uu tababaraha iga doonayo. Aniga weligey isma amrin," Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

waxaa sidoo kale la weydiiyay sida uu u arko macalinka cusub ee England Gareth Southgate waxa uu yiri, Wayne Rooney, "Waa fursad uu ku muujin karo waxa uu ka qaban karo heer caalami ah. Waxa uu tababare u soo noqday ciyaartoyda ka yar 21-da sano."

"Waxa uu la imaan doonaa qaab ciyaareed u gaar ah. Wayna wanaagsan tahay in taasi la arko isbuuca soo socda," ayuu Rooney tilmaamay.

"Waan u hogaansameynaa sida uu doonayo, fikradihiisana waan qaadaneynaa, garoonka ayaana la tageynaa," Wayne Rooney ayaa sidaasi ku xusay shirka jaraa'id.

Kabtanka xulka qaranka ee England iyo kooxda Machester United waxa uu u muuqdaa inuu waynaayo kaalintiisii Old Trafford.

"Hadda ma bilaabayo u ciyaaridda Manchester United, balse waa inaan si adag u shaqeeyaa si aan uga mid noqdo 11 ciyaaryahan ee ugu horeysa, markaan fursad helana aan muujiyo howl karnimo".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan