Aurelio De Laurentiis: Wakiiladu waa 'kansar' ku dhexjira kubadda cagta mana loo baahna

Aurelio De Laurentiis Milkiilaha kooxda kubadda cagta ee Napoli
Image caption Aurelio De Laurentiis Milkiilaha kooxda kubadda cagta ee Napoli

Milkiilaha kooxda kubadda cagta Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay in wakiiladu ay noqdeen "kansar" ku dhexjira ciyaaraha waxa uuna ku adkaysanayaa in ciyaartoyda aanay u baahneyn inay wakiilo yeeshaan.

Arrintan ayaa daba socotay baaritaan uu sameeyay wargeys ka soo baxa Britain kaasi oo uu Sam Allardyce ku waayay xilka tababaraha xulka Ingiriiska, iyadoo sidoo kalana su'aal la galiyay dowrka wakiilada ee kala gadashada ciyaartoyda.

De Laurentiis, oo ah 67 jir u dhashay dalka Talyaaniga, oo sidoo kale ah soo saare filim, ayaa sheegay in wakiiladu "ay noqdeen sida canshuurta oo kale" oo doonaya in afka hore qarashkooda laga bixiyo.

"Hollywood, jilaaga asaga ayaa wakiilka lacagta siiya. Marka ay timaado kubadda cagta maxaan anigu u bixinayaa?" ayuu yiri.

De Laurentiis ayaa sheegay in qaar ka mid heshiisyada lagula kala wareego ciyaartoyda ay u burburaan is afgaranwaa dhexmara kooxaha iyo wakiilada oo ku saabsan xaqa uu ciyaartoyga u leeyahay inuu wax ka helo dakhliga xayeysiiska uu u sameeyo kooxda.

"Ma og tahay taasi waa kansar aagayaga ka jira," ayuu ku daray. "Wakiilkaste sidaa ma ahan. Hasayeeshee ma garan karo sababta aad ugu baahan tahay wakiil."

Sikastaba ha ahaatee, Mel Stein, gudoomiyaha Xiriirka Wakiilada Kubadda Cagta ee xilka sii banaynaya, ayaa rumaysan in sidaa oo kale eeddan mid la mid ah lagu tilmaami karo milkiilayaasha iyo gudoomiyayaasha kooxaha qaarkood.

"Arrinta dhabta ah waxa weeye in ay jiraan dad aan wanaagsanayn, laakiin kuligood laguma wada tilmaami karo kansar," ayuu yiri.

"Waxaan doonaynaa inaannu arrinta wax ka qabano, waanuna garanaynaa sida wax looga qaban karo."