Mareykanka: Duufaan iyo dad la daadgureynayo

Daaqadaha horee dukaanno alwaax lagu dhajinayo intaanu duufaanta Metthew soo gaarin xeebta Cocoa, Florida on October 5, 2016 Lahaanshaha sawirka AFP

Howlgal ballaaran oo daadgurayn ah ayaa waxa uu ka soconayaa gobollada Mareykanka ee Florida iyo South Carolina ka hor duufaanta Matthew ee la filayo in maanta oo Khamiis ah ay halkaasi soo gaarto.

Waxaa isku xirmay waddooyinka ka baxa magaalada Charleston ee South Carolina, halkaasi oo barasaabka uu amray in si khasab ah magaaladaasi looga daadgureeyo rubac malyuun qof.

Dhanka kale barasaabka gobolka Florida, Rick Scott, ayaa ka digay in burburka ka dhasha duufaanta uu noqon karo mid ballaaran haddii ay duufaantu ku dhufato gobolkaasi.

Waxa uu sheegay in mas'uuliyiintu ay sameynayaan waxkasta oo ay kaga hortegi kareen inay halkaasi ka dhacdo khasaare nololeed, sidoo kalana ay sameeyeen qorshe ballaaran oo dadka lagu daadguraynayo.

Khatarta duufaanta ayaa sidoo kale waxaa ka digay madaxweyne Barack Obama, waxa uuna sidoo kale ka digay in ay suuragal tahay in duufaantu ay sii xoogaysato ka hor inta aanay soo gaarinba Mareykanka.