Nadal oo looga badiyey Shanghai

Victor Troicki marna ma uusan badin shantii goor ee ay hore u kulmeen Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Victor Troicki marna ma uusan badin shantii goor ee ay hore u kulmeen

Rafael Nadal oo 14 goor ku guulaystay koobabka ugu waaweyn cayaarta Tenniska ee dunida, ayaa sheegay inuu markan ka fekerayo waxa uu samayn doono sannadka dambe, ka dib markii uu ka badiyey ninka kaalinta 31aad kaga jira Tenniska dunida ee Victor Troicki oo Seerbiya u dhashay, cayaartii ugu horreysay ee uu ku cayaaray magaalada Shanghai.

Nadal oo Spain u dhashay muddo laba bil iyo bar ah ma uusan cayaarin, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray curcurka, waxaana looga badiyey 6-3, 7-6, 7-3, cayaar Arbacadii dhacday oo socotay saacad iyo 34 daqiiqo.

Nadal iminka kaalinta 5aad ayuu kaga jiraa Tenniska dunida. Laakin labada cayaartoyba waxaa la filayaa in kaalimaha ay Tenniska kaga jiraan uu is beddel ku yimaado, marka la soo saaro liiska kala horraynta laacibiinta Tenniska dheesha todobaadka dambe.