FIFA oo ka arinsanaysa kordhinta tirada kooxaha ka qayb gala koobka dunida

Madaxa xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta Fifa, Gianni Infantino. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxa xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta Fifa, Gianni Infantino.

Xirirka Caalamiga ah ee Kubadda cagta, FIFA, ayaa maanta ka bilaabay magaalada Zurich kulan socon doona laba maalmood. Arimaha ugu waayayn ee lagaga hadlayo kulankaa waxa ka mid ah qorshaha la isku maan dhaafsanyahay ee madaxa FIFA, Gianni Infantino, ku doonayo in la kordhiyo tirada dalalka ka qayb gala tartarnka koobka dunida oo halka ay haatan ka yihiin laba iyo soddonka kooxood laga dhigo sideed iyo afartan.

Waxa kale oo culays lagu saaraya inuu ka hal celiyo baaqyada ka imanaya xidhiidhka kubadda cagta Falastiin ee ah in shank kooxood oo saldhigoodu yahay Daanta Galbeed laga joojiyo inay ka qayb qaataan horyaalka Isreal.

Infantino wuxu xilka madaxtinimada FIFA la wareegay sideed bilood ka hor isagoo ballan ku qaaday in uu dib u habayn doono ururkan fadeexaduhu diloodeen.