Natiijadii kulamadii xalay ee Champions League iyo kulamada caawa

Leicester Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Leicester ayaa u dabaaldagaysa guushii saddexaad oo xiriir ah ee Champions League

Kulammadii 3-aad ee koobka horyaalka kooxaha Yurub ayaa xalay la ciyaaray waxaana foodda isdaray 16 kooxood iyadoo kulammo kale ay caawa dhici doonnaan.

Kooxaha ka socda Premeir League-ga ee xalay ciyaaray waxaa ka mid ahaa Leicester City oo gurigeeda ku martigalisay kooxda FC Copenhagen ee dalka Denmark.

Waxaa goolka guusha kooxda Leicester u xaqiijiyey 5 daqiiqo ka hor waqtiga nasiinadda xiddiga reer Al-Jeeriya Riyad Mahrez oo kubad si caaqibo leh ugu soo dhigay weeraryahanka ay isku waddanka yihiin Islam Slimani shabaqa si xarago leh uu ugu hubsaday.

Leicester waxay noqonaysaa kooxdii shanaad ee iyadoo ku cusub Champions League saddexda kulan ee ugu horreysay hesha 9 dhibcood ama badisa kulammadaas iyadoo ay uga horeeyeen AC Milan, Paris St-Germain, Juventus & Malaga.

Leicester hadda waxay hogaanka u haysaa group-ka G oo ay kula jiraan Club Brugge, FC Porto iyo FC Copenhagen.

Kooxda kale ee ka socotay Premier League-ga ee xalay ciyaartay waa Tottenham oo marti u ahayd kooxda Bayer Leverkusen.

Kulankaasi oo la isku mari waayey waxaa uu ku soo dhamaaday 0-0 inkastoo kooxda Jarmalka ee martida loo ahaa ay aad ugu isugu dayday inay gurigeeda ku baddiso haddana shabaqa labada kooxood goolal lama taabsin.

Bayer Leverkusen ayaa xalay shaqo badan galisay goolhayaha kooxda Tottenham Hugo Lloris kaasi oo dhawr mar kubado ka badbaadiyey gooshiisa.

Bayer Leverkusen ayaa 16 jeer isku dayday inay toogato goosha Tottenham, waxaana kubada ay ku aadiyeen goosha 6 goor, halka Tottenham ay taasi badalkeedii samaysay 1 mar oo kaliya, inkastoo kubad haysashada ay ku fiicnayd oo ay haysatay kubada 53%.

Tottenham oo leh 4 dhibcood ayaa kaalinta labaad kaga jirta groupka E oo ay kula jirto kooxaha Monoco oo 5 dhibcood leh oo hogaanka haysta. Bayer Leverkusen ayaa leh saddex dhibcood waxaana ugu hooseysa CSK Mosow oo laba dhibcood kaliya leh group-kana meesha hoose uga jirta.

Kulanada kale ee dhacay waxaa ka mid ahaa Real Madrid oo horyaalka Champions League-ga daafacanaysa ayaa 5-1 uga badisay Leiga Warsow, Juventus oo 10 nin ku ciyaaraysay waxay gurigeeda uga badisay kooxda Lyon, Borisa Dortmun ayaa 2-1 uga badisay Sporting Lispon,

Caawa waxaa dhacaya kulamo kale oo xiiso leh, horyaalka Premeir League-ga waxaa uga qayb galaya kulamada dhacaya Arsenal iyo Manchester City.

Arsenal waxay gurigeeda Emiretes ku marti galinaysaa kooxda reer Bulgaria ee Ludogorets Razgrad.