Manchester City oo isu diyaarineysa inay Barcelona ka badiso caawa

Guardiola waxa uu doonayaa in Man City ay barato farsama Barcelona Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Guardiola waxa uu doonayaa in Man City ay barato farsama Barcelona

Kooxda Manchester City ayaa waxa ay u tababaraneysaa sida Barcelona. Macallimkooda cusub ee Pep Guardiola oo horey u soo leyliyay Barcelona ayaa doonaya in City ay la qabsato ciyaarta kooxdiisii hore, sidaasi waxaa qaba qaar ka mid ah ciyaaryahanada Barcelona.

Sida uu sheegay ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara xulka qaranka ee Spain, Gerard Pique, Manchester City haddii ay dadaasho way la qabsan kartaa hanaan ciyaareedka Barcelona.

Macallinkii hore ee Barcelona, Guardiola ayaa waxay kooxdiisa cusub ee Manchester City caawa la ciyaari doontaa Barca, ciyaar ka mid ah Champions League.

Guardiola 14 horyaal ayuu ku guuleysta intuu Barcelona macallinka u ahaa muddadii u dhexeysay 2008dii iyo 2012kii.

Waxa uu sidoo kale caan ka dhigay ciyaarta baasaska isu dhiibka ah ee kooxdaasi Barcelona.

"Waxay u ciyaaraan sida anagoo kale, sababtoo ah Pep ayaa hadda Manchester City la joogo", ayuu yiri Pique oo difaaca Barcelona.

"Kooxda City waxay isku deyeysaa inay cadaadiska sare u qaado, waxay isku deyayaan inay fursadaha ka faa'ideystaan oo kubadda ay cagtooda ku hayaan", Pique ayaa sidaasi sheegay,

Pique oo ka mid ah difaaca ugu adage e Barca waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaaryahanadii ugu horeeyay ee Guardiola uu geeyay Barcelona.

Manchester City oo hadda hogaamineysa horyaalka Ingiriiska ee Premier League, seddaxdoodii ciyaar ee ugu dambeysay maysan guuleysan.

Kullanka caawa ayaa la egayaa qaabka ay Manchester City u ciyaarto marka Barcelona ay aragto.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan