Xisbiga mucaaradka Wadani oo shir uu uga furmay Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xisbiga mucaaradka Wadani oo shir uu uga furmay Hargeysa

Magaalada Hargaisa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka ergooyinka golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka Waddani ee Somalailnd.

Shirkaan ayaa waxaa kas qeybgalay ergooyin isugu jiro qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada iyo haweenka, kuwaasi oo isaga yimid gobolada, degmooyinka iyo waliba qurbaha.

Shirka oo socon doono saadex maalmood ayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ee WADDANI oo gaaraya in ka badan afar boqol ay ku dooran doonaan murashaxa u matalaya jagada madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha March ee sanadka 2017ka.

Hadaba, Weriyaha ee BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo ka qeybgalay xafladda furitaanka shirka waddani ayaa wuxuu ka wareystay xoghayaha guud ee xisbiga waddani Maxamed Cabdillaahi uurcadde.

Mowduucyada la xiriira