Mourinho: Sida "cunug waalan" ma u dabaal degaayi haddii aan Chelsea gool ka dhalino

Mourinho ayaa kooxdiisii hore ee Chelsea maanta ka hortagaya Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Mourinho ayaa kooxdiisii hore ee Chelsea maanta ka hortagaya

Macallinka Manchester United, Jose Mourinho waxa uu sheegayaa "inuusan u dabaal degeynin sida cunug waalan" haddii maanta kooxdiisa ay gool ka dhaliso Chelsea oo uu horey leyliye ugu ahaan jiray.

Ciyaarta caawa waxa ay noqoneysaa markii labaad ee Mourinho uu tago garoonka Stamford Bridge asigoo mucaarad ku ah Chelsea.

Sanadkii 2010kii ayuu Chelsea uga adkaaday garoonkeeda asigoo macallin u ahaa Inter Milan.

"Waxaan maamulayaa ciyaarta oo dhan, waan ogahay", ayuu yiri Mourinho.

"Haddii kooxdeyda ay gool dhaliso ma waxaan u dabaal degayaa sida cunug waalan? Maya", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maanta waxay u noqoneysaa markii ugu horeysay oo uu ka hortago Chelsea tan iyo markii shaqada laga ceyriyay bishii December ee sanadkii tagay.

"Tababarayaasha qaar markey ka tagaan kooxaha waxay jecel yihiin inay ceebeeyaan kooxda oo ay iska hadlaan, meelaha ku sheegaan wixii dhacay".

"Aniga waxaan kooxda uga tagayaan dareen wanaagsan. Wax kasto ayaan kooxda siinayaan. Waxaan doonayaa in xusuuta wanaagsan aan dhowro, Chelsea na wax badan oo wanaag ah baan u hayaa", ayuu yiri Mourinho oo warbaahinta maanta la hadlay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan