Wada oo sheegtay in 'fashilaado culus' ay ka jireen Rio 2016

Warbixinta Wada waxa ay sheegtay in maalmaha qaar ay "ilaa 50%" dhicisoobeen baaritaanadii la qorsheeyay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Warbixinta Wada waxa ay sheegtay in maalmaha qaar ay "ilaa 50%" dhicisoobeen baaritaanadii la qorsheeyay

Warbixin ay hay'adda caalamiga ah ee ka hortagta isticmaalka dawooyinka jirka xoogga siiya ee Wada ay kaga hadlaysay qaabka loo qaadayay tijaabooyinka lagu baarayay mukhaadaraadka ee ciyaarihii Rio 2016 ayaa lagu ogaaday "fashilaado culus".

Hay'adda caalamiga ah ee ka hortagta isticmaalka dawooyinka jirka xoogga siiya ee Wada ayaa sheegtay in ciyaartoy badan oo la baari lahaa "aanan la aragba".

Hay'adda Wada waxa ay intaa ku dartay in maalmaha qaar "ilaa boqolkiiba 50 baaritaanada ay dhicisoobeen".

Warbixintan oo 55 bog ka kooban ayaa waxa ay kooxda madaxa bannaan ku ogaatay in 4,125 ka mid aheyd 11,470 ciyaartoy aanan la diiwaangelin wax tijaabo ah oo lagu sameeyay 2016, iyadoo 1,913 ka mid ahna ay u tartamayeen ilaa 10 "ciyaarood oo khatartoodu ay sarreyso".