Gareth Bale oo heshiis cusub la saxiixday naadigiisa

Gareth Bale wuxuu la sii joogi doonaa Real Madrid ilaa 2022 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gareth Bale wuxuu la sii joogi doonaa Real Madrid ilaa 2022

Weeraryahanka Real Madrid iyo xulka Wales, Gareth Bale, ayaa sii dheereeyey heshiiska uu kooxda kula sii joogayo. Bale ayaa saxiixay heshiis uu ilaa 2022 ugu sii cayaari doona naadiga.

27-jirkan ayaa naadiga Spain ka dhisan kaga soo biiray kooxda Tottenham Hotspur sannadkii 2013. Bale xilligaas wuxuu noqday cayaartoygii ugu qaalisanaa, waxaana lagu soo iibsaday 85 Malyan oo Gini.

Cayaartoyda kale ee ay isku naadiga u dheelaan ee kala ah Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa iyagana bisha Oktoobar gudaheeda saxiixay heshiisyo cusub oo ay kooxda kula sii joogayaan.

Naadiga Real Madrid ayaa xaqiijiyey in Gareth Bale uu galabnimada Isniinta warbaahinta la hadlayo.