Theresa May oo cambaareysay FIFA

Ra'iisul Wasaaraha Britain,Theresa May ayaa cambaarayn xoogan u jeedisay xiriirka Kubadda Cagta aduunka ee FIFA. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ra'iisul Wasaaraha Britain,Theresa May ayaa cambaarayn xoogan u jeedisay xiriirka Kubadda Cagta aduunka ee FIFA.

Cambaarayntaasi waxay ku aadan tahay go'aanka ay FIFA ku diiday in ciyaartoyda kubadda cagta ee England iyo Scotland ay funaanda ciyaarta ku xirtaan calaamada guduudan ee maamuuska.

Calaamadan ayaa lagu maamuusaa xuska dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Aduunka.

Ciyaartan laga mamnuucay xirashada astaanta ayaa dhacaysa isbuucan soo socda. Waana ciyaar qayb ka ah isreebreebka Koobka Aduunka.

FIFA oo ka hadashay mannuucidan ayaa xirashada calaamadan ku tilmaamtay mid siyaasadaysan.

Theresa May ayaa ku tilmaantay FIFA inay iyada isa saxdo ka hor intaysan saxin wax kale. Waxaa loo qaatay inay ula jeedo fadeexooyinkii Musuqmaasuqa kubada cagta ee hareeyay FIFA.