Ronaldo: 'Waxaan doonayaa in aan 10 sano sii cayaaro'

Heshiis cusub oo ku eg Juun 2021 ayuu kooxdiisa la saxiixday Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Heshiis cusub oo ku eg Juun 2021 ayuu kooxdiisa la saxiixday

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu sii wadi doono inuu kubbadda cayaaro 10 sano oo kale, ka dib markii uu heshiis cusub la saxiixday kooxdiisa Real Madrid.

31 jirkaas ayaa heshiiskiisu wuxuu ku ekaa Juun 2018, laakinse waxaa la sii kordhiyey ilaa Juun 2021.

Laacibkaas Boortaqiiska u cayaara wuxuu intaa ku daray in heshiiskan uusan ahayn kiisii ugu dambeeyey, wuxuuna sheegay in uu doonayo inuu xilligiisa cayaaraha ku dhamaysto naadiga Real Madrid.

"Waxaan aad u doonayaa in aan ku raaxaysto cayaarta kubbadda sannadaha ii dhiman. Weli 10 sano ayaa ii harsan" ayuu yiri.