England oo u xoog sheegatay Scotland

England Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tababaraha kumeelkgaarka ah ee xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa hadda u dhaw in loo magacaabo si buuxda xilka tababaraha qaranka ka dib markii guul caaqibo leh uu ka keenay ciyaartii xalay garoonka Wembley ee galbeedka London ku dhexmartay xulka England iyo xulka Stocland ee uu hogaamiyo Gordon Strachan.

Saddex gool oo madaxa lagu dhaliyey ayaa u xaqiijisay xulka martida loo ahaa ee England inay ku qaataan saddexda dhibcood ee loo tartamayey taasi oo ka dhigan in England ay ku Hogaamiyso 10 dhibcood hormada F ee tarntanka isreebreebka ciyaaraha koobka adduunka 2018 waxaana ay ku wada jiraan Slovenia oo labaad ku jirta lehna 8 dhibcood, Slovakia oo saddexaad fadhida lehna 6 dhibcood, Lithuania oo afaraad cariirsatay lehna 5 dhibcood, Scotland oo kaalinta shanaad u dhacday lehna afar dhibood iyo Malta oo kaalinta lixaad ee ugu hooseysa la taagan dhibco la'aan.

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ku bilaabatay weerar iyo weerar celis xulka Scotland waxay u muuqatay inay wax kala imaan karaan kulan marka la eego qaab ciyaareedkooda oo ay kubada si wanaagsan ula wadaagayeen xulka saddexda Liibax ee England laakiin waxaa ismari waagii uu burburay markii kubad si hagaagsan loo soo dhisay bartamaha diilinta 18-aad loogu keenay ciyaaryahanka kooxda Liverpool uga ciyaara weerarka Danial Sturridge taasi oo madaxa uu u adeegsaday shabaqana si wanaagsan ugu hubsaday daqiiqadii 24-aad.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo England ku hogaaminayso markii la isku soo laabtay qaybtii 2-aad oo ay socotay 6 daqiiqo oo qura si la mid ah goolkii labaad oo kale ayuu dhaliyey Adam Lalana oo ah ciyaaryahan kale oo Liverpool u ciyaara kaasi oo ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaase xulka Scotland niyad jab ku sii riday daafaca kooxda Chelsea Cahil oo daqiiqadii 61-aad gool la mid ah goolashii madaxa si xarago ugu hubsaday shabaqa, iyadoo ciyaartii noqoaty 3-0.

Kulankan oo ahaa kii 113-aad ee caalami ah oo labadan kooxood ee xifaaltanka adag u dhaxeeyo kulamadaas oo kii ugu horeeyey uu dhacay 30-kii November 1872 waxaa 48 ka mid ah badisay Egland, Scotland waxay badisay 41 jeer waxayna barbardhac ku kala tageen 24 goor.

Scotland kama qayb galin ciyaaraha koobka adduunka tan iyo sanadkii 1998, waxaana hadda rajadoodu ku xiran tahay kulamadda soo socda ee labada ah oo ay tahay inay badiso si ay rajo u yeelato.

Hormooyinka kooxaha kale ee xalay ciyaaray waxay u kala badiyeen Malta oo gurigeeda ku ciyaaraysay waxaa 1-0 kaga badiyey Slovenia, Lithuania oo u marti u ahayd Slovakia waxaa lagu garaacay 4-0.

Xulalka England iyo Scotland inkastoo ay ka dhaxayso cadaawad iyo xifaaltan xagga kubada cagta ah haddana waxyaabaha ay ka midaysnaayeen xalay waxaa ka mid ahaa inay geeska galiyeen sharci u yaala FIFA oo dhigaya in ciyaaraha laga ilaaliyo halkudhegyada diimeed, shakhsi, siyaasadeed, warbixinada ama sawirrada, qodobka 4-aad ee FIFA ayaa qeexaya sidaa.

Waxaana ciyaartoyda labada xul xalay soo xirteen calaamad xusuus ahaan 11-ka bisha November lagu xuso dadkii ku dhintay dagaalkii 2-aad ee adduunka xuskaas oo loo yaqaan maalinta xabad joojinta (Armistice Day) oo ahayd markii uu joogsaday dagaalkii 1-aad ee aduunka 1918.

Xulalka Egland iyo Scotland waxay sheegeen inaysan dhag jalaq u siin doonin ciqaab kasta oo kaga timaada FIFA oo ku aadan jabinta xeerkan iyagoo sheegay inay u babacdhigi doonaan haddii lagu ganaaxo dhaqaale ama dhibco laga gooyo.

Xulka Wales ee manta la ciyaaraya xulka qaranka Serbia waxay sheegeen inaan ciyaartoydoodu xiran doonnin calaamadaas xusuusta ah balse ciyaartoydu gacanta midig ku xiran doonaan maro madow oo xusuus ahaan loo sameyn doono, iyagoo sidaa u sameynaya inaanay ka bixi karin in laga gooyo dhibco ama lacag lagu ganaaxo.