Taariikhda Sadio Mane

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taariikhda Sadio Mane

Ciyaaryahanka caalamiga ee Senegal Sadio Mane ayaa sanadkan wuxu soo bandhigay waxyaabo la yaab leh

Weeraryahankan ayaa ka ciyaari kara dhankii la doonaba - ka bixid, qeybta dhexe amaba afka hore - wuxuuna noqday mid kamid ah ciyaar yahanada ugu khatarsan Horyaalka Ingiriiska, halka dhanka kalana uu noqdey mid kamid ah ciyaar yahanada ugu wanaagsan Africa.

Waa nin isaga oo dhanba ah xeelad socoto, kaasoo haddana ah macalinka gool dhalinta, wuxuu awood u leeyahay inuu baas xaladeysan tuuro, una abuuro fursado ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin.

MadyToure, oo ah aasaasaha xarunta ciyaaraha ee Academie Generation Foot, halkaasoo ah goobtii uu kasoo lug bilaabay Mane aqoontiisa Kubadda Cagta, ayaa ku qanacsan in 24 sano jirkan uu hore usoo qaatey waxbarasho dhameystiran.

Mane ayaa ku dhameystay xili ciyaareedkii hore inuu noqdo kan ugu gool dhalin badan kooxda Southampton, isagoo dhaliyey 15 gool dhammaan kulamadii dhacay, wuxuu ku xirey xagaaga inuu ugu wareego kooxda Liverpool lacag gaareysa £34m.

Ugu wareegistaas garoonka Anfield, ayaa ka dhigtay inuu noqdo ciyaar yahankii ugu qaalisaa abdi inta la og yahay taariikhda, iyadoo lacagta lagu kala wareejiyey ay sii sara martay £28m ee ay kooxda Manchester City siisay kooxda Swansea City, si ay qaadato weerar yahanka u dhashey Ivory Coast Wilfried Bony bishii January sanadkii 2015-kii.

Mane ayaa lahaa lix gool, halka afarna uu gacan ka geystay kulamado 11 gaaraya ee kooxda Reds ee xili ciyaareedkan,

Wuxuu ahaa in muda ah udub dhaxaad u ahaa Liverpool, isagoo kaga guuleystay 4 - 3 kooxda Arsenal, ee furitaanka xili ciyaareedkan.

Mane ayaa ku sameeyay mar kale raad aad u weyn ciyaarta xigta, isagoo gacan ka geystay goolasha ayLiverpool ay kaga badisay Burton Albion 5 - 0 ee koobka EFL.

Waxaa xigtay inuu dhaliyey hal gool mid kalana uu abuurey fursadii lagu dhalin lahaa, iyadoo ay kooxda kaga adkaatay 4 - 1 horyaalka Ingiriiska kooxda Leicester City, waxey ku dhalisay arrintani taageerayaasha Anfield farxad xad dhaaf ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sadio Mane

Goolashiisa kale ayaa ku yimid guulasha horyaalka ee Hull iyo West Brom, iyo tii ugu darneyd dhawaanahan oo uu ku dubtay 6 - 1 kooxda Watford.

Fagaarayaasha caalamka Mane ayaa u noqday calaamad kooxda Senegal, halka furitaanka is reereebka kusoo bixidda Kooxda Qaramada Afrika ee 2018-ka ee dhacey October, isagoo muujiyey inuu yahay nin udub dhaxaad ah, wuxuuna qeyb libaax leh ka qaatey goolkii loogga guuleystay kooxda Cape Verde.

36 jeer ayuu dalkiisa guul usoo hoyay, Mane wuxuu leeyahay toban gool, halka kow iyo toban-na uu gacan ka geystay ka dhalintooda Teranga Lions, taasoo muhiimad gaar ah u leh rajadooda ay ku tagi doonaan Koobka Adduunka ee ka dhacaya Ruushka 2018-ka, iyo sidoo kale Koobka Qaramada Africa ee sanadkan danbe ka dhacaya Gabon.

Wacdaraha ciyaareed ee uu uu kusoo bandhigay Mane naadiga uu u ciyaaro iyo kooxdiisa qaranka, ayaa ka dhigtay nin u qalma in loo sharaxo oo liiska xulitaanka lagu soo daro, kaasoo ay BBC-da ku dhawaaqi doonto dhawaan Ciyaaryahanka Sanadka ee Kubadda Cagta Africa sanadkii labaad ee is xig xiga.

Durbadiiba go'aankiisa uu ku joojiyey iskuulka markii ay aheyd 15 sano da'diisu, isagoo goostay inuu qaado dhabada ah inuu noqdo ciyaaryahan caalami ah, ayaa ka dhigtay iney usoo hoydaan abaalmarino aad u qurux badan.

Wuxuu ku guuleystay horyaalka iyo laba koob, markii uu la joogay kooxda Austria ee FC Salzburg sanadkii 2014-kii, halka May 2015-kii uu dhigay rikoor cusub, isagoo dhaliyay saddex gool oo is xig xigay kuwii ugu deg dega badnaa ee hal kulan dhacey taariikhda, markii uu saddex gool uu ku dhaliyey 175 daqiiqo, mar ay kooxdiisa Southampton ciyaar isaga horyimaadeen Aston Villa.

Isagoo kasoo bilaabay ciyaaryahan kubadda ku ciyaara jidadka magaaladii uu kudhashey ee Sedhiou, illaa uu gaarey Horyaalka Ingiriiska isagoo ku yimid diyaarad u kala gooshtay Dakar xarunta dalka Senegal, illaa iyo Faransiiska, kadibna Austria.

Waxaa jira dareenka ah inuu leeyahay fursadaha uu ku noqon karo mid kamid ah ciyaar yahanada inta badan ugu wanaagsan Afrika.

Halkan ka codee halkana ka eeg Qaabka iyo shuruudaha codeynta