Yaa isugu soo haray tartanka abaalmarinta BBC ee laacibka Afrika 2016?

Ciyaartoyda u tartameyso abaalmarinta BBC-da oo la shaaciyay
Image caption Ciyaartoyda u tartameyso abaalmarinta BBC-da oo la shaaciyay

Waxaa la shaaciyay ciyaartooyda isugu soo hartay tartanka laacibka Afrika ee Abaalmarin BBC ee sanadka 2016.

Shanta ciyaartooy ee u tartamaya abaalmarintan ayaa kala ah Yaya Toure oo Ivory Coast u dhashay, Pierre-Emerick Aubameyang oo Gabon ah, Andre Ayew oo Ghana kasoo jeeda, Sadio Mane oo Senegal ah, iyo Riyad Mahrez oo u dhashay Algeria. Halkan ka codee

Qaabka iyo shuruudaha codeynta

Afar ka mid ah shantan ciyaartooy ayaa hadda ka dheela horyaalka Ingiriiska.

Taariikhda Andre Ayew

Taariikhda Riyad Mahrez

Taariikhda Yaya Toure

Taariikhda Pierre-Emerick Aubameyang

Taariikhda Sadio Mane

Yaya Toure ayaa abaalmarintan ku guuleystay sanadkii hore, halka Andre Ayew uu helay sanadkii 2011.

Muddo bil gudaheed ah ayaa la shaacin doona laacibka ku guuleysta abaalmarinta.

Magacaabidda shanta ciyaaryahan ee isu soo haray waxaa soo dhigay qaar ka mid ah khuburadda ugu saraysa Afrika ee dhanka kubadda cagta.

Khabiirkaste oo dal gooni ah ka soo jeedana waxaa la waydiiyay in uu sheego saddexda ciyaaryahan ee uu is leeyahay way ugu fiican yihiin isaga oo sheegaya sida ay ukala

Waxaa la waydiiyay in ay magacaabidooda ku saleeyaan xulashadan: awoodiisa xirfadeed; la shaqaynta kooxda inteeda kale; xariifnimo joogto ah; saamaynta uu ku leeyahay natiijooyinka iyo dhexdhexaadnimo arrimahaas oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii 2015/16.

Halkan ka codee halkana ka eeg Qaabka iyo shuruudaha codeynta