Mourinho oo sheegay in kooxdiisa United ay nasiib xun tahay

Mourinho ayaanan guuleysan lixdii ciyaar ee ugu dambeysay Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Mourinho ayaanan guuleysan lixdii ciyaar ee ugu dambeysay

Macallimka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa ay tahay tan ugu nasiibka xun horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

United waxaa shalay laga hor istaagay guul ay ka gaari lahayd Arsenal oo Old Trafford marti ku ahayn ka dib markii Giroud oo bedel ku soo galay uu gool ka dhaliyay daqiiqadii 89-aad.

Goolkiisa Giroud wuxuu ciyaarta ka dhigay barbardhac ka dib markii bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta uu gool Man U u dhaliyay Juan Mata.

Bareejadaasi waxay United uga dhigan tahay inay guuleysteen hal ciyaar oo keli ah, lixdii kullan ee ugu dambeysay.

Mourinho wuxuu yiri: "Waxba kama sheegaayi ciyaartoydeyda, laakiin waxaan ku leeyahay waan ka xumahay sababtoo ah anaga waxaan dareemeynaa inaan guul dareysanay, Arsenal na waxay dareemayaan inay guuleysteen."

Wuxuu intaa ku daray: "Haddii aan eegno barbardhacyada aan la galnay Burnley, Stoke iyo Arsenal - waa sagaal dhibcood ee si fudud nooga fakatay. Haddii aan heli lahayn lixdaas dhibcood waxaan hadda ku dhowaan lahayn afarta koox ee ugu sareysa horyaalka."

"Dhammaanteen waan ognahay hadda inaan nahay kooxda ugu nasiibka xun Premier League". Ayuu sii raaciyay hadalkiisa, macallim Mourinho.

United waxay ku jirtaa kaalinta lixaad ee horyaalka, waxay sideed dhibcood ka hooseysaa kooxaha hogaanka hayso ee Liverpool iyo Manchester City, seddaxaad iyo afaraadna waxaa ku jira Chelsea iyo Arsenal.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan