Jaamac Karaaciin oo sheegay in la shirqoolay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamac Karaaciin oo sheegay in la shirqoolay

Tababaraha cayaaraha fudud, Jaamac Maxamuud Aadan (Karaaciin) oo iminka tababare u ah kooxda qaranka dalka Qadar ee ciyaaraha orodada ayaa waxa uu markii ugu horreysay si faah-faahsan uga warramay wareysi gaar ah oo BBC-da uu siiyey, xarig loogu gaystay dalka Spain xilligii ay dalka Brazil ka dhacayeen cayaaraha Olombigga, iyadoo lagu eedeeyay inuu haystay dawooyinka firfircoonida jidhka ciyaartoyda kordhiya.

Jaamac Karaaciin wuxuu ugu warramay magaalada Hargeysa weriyaha BBC Axmed Saciid Cige.