Tababarihii xulka Maraykanka oo la eryey

Klinsmann wuxuu tababarayey xulka Maraykanka tan iyo 2011. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Klinsmann wuxuu tababarayey xulka Maraykanka tan iyo 2011.

Tababarihii xulka kubadda cagta ee Maraykanka, horena u ahaan jiray weeraryahan u safan jiray xulka jarmalka, Jurgen Klinsmann, ayaa laga eryay shaqadii tababarenimo ee uu ku laylinayey xulka Maraykanka.

Klinsmann oo 52 jir ah ayaa ka mid ahaa cayaartoydii Jarmalka u qaadday koobka adduunka 1990, wuxuuna tababarka xulka Maraykanka qabtay 2011.

"Waxaan ku qanacsannahay in aan leennahay cayaartoy tayo leh oo gacan ka gaysta in Maraykanku u soo baxo cayaaraha lagu qaban doono Ruushka sannadka 2018" sidaa waxaa yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Maraykanka Sunil Gulati.

Wuxuu intaa ku daray inay u baahdeen inay qaataan jiho ka duwan tii uu kooxda ku waday Klinsmann.