Cayaaraha horyaallada Yurub oo kooxo badan ay soo baxeen

Giroud gool-ku-laad ayuu ka dhaliyey PSG Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Giroud gool-ku-laad ayuu ka dhaliyey PSG

Is aragga guruubyada ee horyaallada Yurub ayaa dabayaaqo maraya, waxaana soo baxay inta badan kooxaha wareeggan u soo gudbay.

Aan marka hore fiirinno natiijooyinka ciyaarihii la ciyaaray habeennimadii 23 November.

Besiktas 3 - 3 Benfica
FC Rostov 3 - 2 Bayern Munich
Arsenal 2 - 2 PSG
Ludogorets Razgrad 0 - 0 Basel
Napoli 0 - 0 Dynamo Kiev
B M Gladbach 1 - 1 Manchester City
Celtic 0 - 2 Barcelona
Atl Madrid 2 - 0 PSV Eindhoven

Haddaba ilaa hadda wareegga 16ka kooxood ayaa la xaqiijiyey inay u soo gudbeen PSG, Arsenal, Atletico Madrid, Bayern Munich, Barcelona, Man City, Borussia Dortmund, Real Madrid, Leicester, Juventus iyo Sevilla.

Weli waxaa la sugayaa Benfica iyo Besiktas midda ka soo bixi doonta guruubka B, iyo sidoo kale FC Porto iyo FC Copenhagen tan ka soo bixi doonta guruubka G.