Steven Gerrard oo ciyaaraha ka fariistay

Steven Gerrard wuxuu kooxda Liverpool u dhaliyay 186 gool Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Steven Gerrard wuxuu kooxda Liverpool u dhaliyay 186 gool

Kabtankii hore ee Liverpool iyo qaranka England Steven Gerrard ayaa ciyaaraha ka fariistay, isaga oo soo afjaray 19 sano oo uu soo ciyaarayay.

Gerrard, oo 36 jir ah ayaa 710 ciyaarood u saftay kooxda Liverpool, wuxuuna kula guulaystay sideed koob oo waawayn, laakiin markii dambe wuxuu ku biiray kooxda LA Galaxy ee ka dheesha horyaalka MLS sanadkii 2015-kii.

Waa ciyaar yahanka afraad ee ugu safasho badan xulka England isaga oo u dheelay 114 kulan.

Gerrard ayaa sheegay in uu waxyaabo badan oo wanaagsan u soo joogay intii uu ciyaarayay.

Wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo qof kaste oo wakhtigaas wanaagsan la soo qaatay intii uu u ciyaarayay kooxaha Liverpool, England iyo LA Galaxy.

Gerrard ayaa sheegay in ay u rumawday riyadii yaraantiisii markii ciyaartiisii u horaysay uu u saftay Liverpool 1998-dii markaas oo ciyaartii u horaysay ay la yeesheen Blackburn Rovers.

Wuxuu intaas ku daray in uusan qiyaasi karin 18-kii sano ee ciyaartaas ka dambeeyay.