Jose Mourinho oo lagu oogay dacwad dhaqan xumo ah

Mourinho ayaa darbeeyay caag biyo ka dib markii jaallo la siiyay mid ka mid ah ciyaartoydiisa Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mourinho ayaa darbeeyay caag biyo ka dib markii jaallo la siiyay mid ka mid ah ciyaartoydiisa

Macallimka kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa lagu oogay eed ah inuu six un u dhaqmay ciyaartii Axaddii ee 1-1 ku dhammaatay ee ay la yeesheen West Ham.

Xiriirka kubadda cagta ee Britain ayaa sheegay in caagga biyaha uu ku tuuray Mourinho garoonka dhexdiisa ay ahayd dhaqan xumo.

Mourinho, oo 53 sano jir ah, ayaa Axaddii garoonka laga saaray, waxaana hadda laga suugaayaa in illaa kowda bisha December uu ku soo jawaabo.

Waa markii labaad oo laba bilood gudahood eedo lagu oogo macallimka Man United. Eedii hore waxay ahayd ciyaar ay Burnley la lahaayeen 29kii October.

Mourinho xilligaasi waxaa lagu rogay xannibaad hal ciyaar ah iyo ganaax gaarayay £8,000.

Mourinho horey maadaama ciyaarta looga saaray, hadda ciqaabtiisa waxaa go'aan ka gaaraya guddi lasoo xulay, xittaa haddii uu aqbalo ama uu diido eedaha loo haysto.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan