Coutinho oo illaa January ka maqnaan doono Liverpool

Coutinho ayaa ka mid ah ciyaaryahanada ugu adag Liverpool
Image caption Coutinho ayaa ka mid ah ciyaaryahanada ugu adag Liverpool

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool, Philippe Coutinho ayaa baaritaan caafimaad maray ka dib markii dhaawac uu ka gaaray canqowga.

Ka dib baaritaankaasi ayaa lagu dhawaaqay inay suuragal tahay in laacibkan uu kooxdiisa ka maqnaado illaa bartamaha January.

Coutinho, oo 24 sano jir ah, wuxuu dhaawacaasi gaaray mar ay isku dul dheceen ciyaaryahan Didier Ndong oo Sunderland u dheela.

Kullankaasi ay Axadii la yeesheen Sunderland ayaa ku dhammaaday 2-0, balse weeraryahanka Liverpool ayaa dhaawacmay qeybtii hore ee ciyaarta.

Weli si rasmi ah looma wada shaacin baaritaanka lagu sameeyay, wexeyna u badan tahay in laacibkan u dhashay Brazil uu sidoo kale muruq ka dhaawacmay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan