Hablaha Nigeria iyo Cameroon oo maanta finaalka haweenka Afrika ku dheelaya

Tartanka Haweenka ee Qaramada Afrika

Ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka Qaramada Afrika ee Haweenka ayaa maanta lagu wadaa inay ku wada dheelaan xulalka haweenka ee Nigeria iyo Cameroon.

Finaalkan ayaa noqonayaa midkii labaad ee xiriir ah oo ay labadan xul ku kulmaan, iyadoo midkii kan ka horreeyay Nigeria 2-0 kaga adkaatay xulka Cameroon.

Ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka Ahamadou Ahidjo ee magaalada Yaounde ayaa waxaa la filayaa inuu ka soo qeyb galo madaxweynaha waddankaasi Cameroon ee Paul Biya.

Nigeria ayaanan ku hamiyayn oo kaliya inay difaacato koobka ee balse waxa ay sidoo kale maanka ku haysaa inay ku guulaysato koobkii 8-aad ee tartankan 10-ka jeer un la dheelay, halka Cameroon ay doonayaan inay qaadaan koobkii ugu horreeyay ee Qaramada Afrika ee haweenka, waana markii saddexaad ee ay finaalka soo gaaraan.

Labada kooxoodba waxa ay finaalka ku soo gaareen kaddib markii ay 1-0 dirqi ah uga soo badiyeen xulalkii ay nus dhammaadka kula soo dheeleen.

Cameroon ayaanan weli wax gool ah laga dhalin halka Nigeria ay 12 gool dhaliyeen balse hal gool un oo rigoore ah ayaa laga dhaliyay ilaa iyo haatan.