Cristiano Ronaldo oo lagu eedeeyay inuusan canshuur bixin

Ronald ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ronald ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay

Waxaa la soo werinaayaa in ciyaaryahanada Real Madrid oo uu ka mid yahay Cristiano Ronald, in aysan bixinin canshuur malaayiin dollar ah.

Waxaa lagu eedeynaayaa inay lacagtooda mariyeen qadad ay uga dhuumanayaan bixinta canshuurta.

Qareenada Ronald waxay sheegayaan in dhaqaalihiisa ay turxaan bixiyeen maamulka canshuurta ee Spain, aysanna ku helin inuu wax is dabamariyay.

Warqado si qarsoodi ah loo soo qaday ayaa lagu sheegay in lacagtaasi bandankeeda ay tahay midda ay ciyaaryahanada mushaar ahaan u heleen.

Mowduucyada la xiriira