Mourinho oo difaacay ciyaaryahan Fellaini ka dib ciyaartii shalay

Fellaini ayaa ciyaaray kullankiisii 100 ee Manchister United Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Fellaini ayaa ciyaaray kullankiisii 100 ee Manchister United

Baraha bulshada waxaa lagu eedeynayaa ciyaaryahanka kooxda Manchester United Fellaini, kaas oo sabab u ahaa shalay in ay kooxdiisa barbardhac gasho.

Fellaini ayaa bedel ku soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaana loo keenay inuu difaaco Manchester si kullanka ay u badiyaan.

Mourinho ayaa si weyn ugu baahnaa inuu kullankaasi badiyo si ay dhibco u helaan oo ugu soo dhowaadaan kooxaha hogaanka haya.

Laakiin Everton ayaa gool ku laad heshay ka dib markii Fellaini uu lugta uga istaagay Idrissa Gueye, sidaas ayeyna ku baaba'day fursadii Man United.

Waxayna ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, taas oo niyad jebisay taageerayaasha Manchester United.

Macallim Mourinho waxa uu difaacay go'aankiisa uu ciyaaryahanka qadka dhexe Maroune Felaini uu ku keenay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Mourinho waxa uu sheegay in ay iska cadahay sababta uu Felaini u keenay taas oo ah inuu yahay qof dheer iyo weerarka Everton oo xoog badnaa.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan