Macallimka Bournemouth oo amaanay ciyaartoydiisa

Bournemouth ayaa 4-3 kaga adkaatay Liverpool
Image caption Bournemouth ayaa 4-3 kaga adkaatay Liverpool

Tababaraha kooxda Bournemouth Eddie Howe wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisa ay dhiiragelin ka heshay "shucuurta guusha ciyaaraha".

Hadalkaas ayuu jeediyay ka dib markii ay ka adkaadeen Liverpool oo ay uga badiyeen 4-3.

Bournemouth ayaa 2 gool lagu lahaa 20 daqiiqo ka hor intaysan ciyaarta dhammaan, balse waxay awood u yeesheen inay seddax gool dhaliyaan illaa daqiiqaddii ugu dambeysay.

Bournemouth ayaa ku jirta 10-ka koox ee ugu horeeya Premier League. Waxayna dooneysaa inaysan meelaha hoose u dhicin.

"Markaan helno fursad, ma dooneyno inaan wayno daacad nimada, isku xirnaanta, marna ma ogolaaneyno inaan quusano", ayuu yiri Macallim Howe.

Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp waxa uu u muuqday qof deggan, in kastoo ay kooxdiisu jabtay.

Waxay ku guuldareysteen ciyaar ay inteeda badan ciyaartoyda Liverpool ay maamuleen qeybtii hore.

Klopp ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta is dejiyay ka dib markii garsooraha ciyaarta uu u digay ka gadaal markuu isku deyay inuu ka baxo xariijinta tababarayaasha.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan