Ronaldo iyo Messi kee ku guulaysan doona Ballon d'Or?

Messi ayaa ku guulaystay abaalmarintii u dambaysay ee Ballon d'Or Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Messi ayaa ku guulaystay abaalmarintii u dambaysay ee Ballon d'Or

Ciyaaryahanka afka hore uga dheella kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa in uu la loolamo Lionel Messi oo ay xifaaltamaan una dheela Barcelona iyaga oo isku haya abaalmarinta qaaliga ah Ballon d'Or.

Abaalmarintan qiimaha badan ayaa la siiyaa ciyaaryahanka ugu wanaagsan ciyaaryahannada Yurub ka dheella, waxaana u codeeya 173 weriye oo caalamka oo dhan ka kala socda.

Jamie Vardy iyo Riyad Mahrez oo u dheella kooxda Leicester City ayaa ka mid ah sideed ciyaartoy oo horyaalka Ingiriiska ka dheella oo ka mid ah 30-ka ciyaartoy ee u sharaxan abaalmarintan.

Qofka guulaysta waxaa lagu shaacin doonaa xaflad dhacaysa 7:30 fiidnimo ee saacadda geeska Afrika.

Abaalmarintan waxaa bixin jirtay faransiiska tan iyo sanadkii 1956, balse lixdii sano ee u dambaysay waxay noqotay abaalmarinta Fifa ee Ballon d'Or iyadoo ay bixinaysay hay'adda kubadda cagta adduunka ee Fifa.

Laakiin Fifa ayaa iska fogaysay abaalmarintan bishii sagaalad ee sanadkan.

Fifa ayaa hadda bixin doonta abaalmarin u gaar ah oo ay siin doonto ciyaaryahanka ragga ah ee ugu wanaagsan, ciyaaryahanadda dumarka ugu wanaagsan iyo xulka ugu wanaagsan sanadka, biladdan oo la dhoho Abaalmarinta ugu wanaag kubadda ee Fifa ayaa lagu bixin doonaa xalfad lagu qaban doono magaalada Zurich sagaalka bisha koobaad ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2017-ka.

Ciyaaryahannada isugu soo haray abaalmarinta Ballon d'Or ee sanadka 2016

Sergio Aguero (Manchester City), Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund), Gareth Bale (Real Madrid), Gianluigi Buffon (Juventus), Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Kevin de Bruyne (Manchester City), Paulo Dybala (Juventus), Diego Godin (Atletico Madrid), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Gonzalo Higuain (Juventus), Zlatan Ibrahimovic (Manchester United), Andres Iniesta (Barcelona), Koke (Atletico Madrid), Toni Kroos (Real Madrid), Robert Lewandowski (Bayern Munich), Hugo Lloris (Tottenham Hotspur), Riyad Mahrez (Leicester City), Lionel Messi (Barcelona), Luka Modric (Real Madrid), Thomas Muller (Bayern Munich), Manuel Neuer (Bayern Munich), Neymar (Barcelona), Dimitri Payet (West Ham), Pepe (Real Madrid), Paul Pogba (Manchester United), Rui Patricio (Sporting Lisbon), Sergio Ramos (Real Madrid), Luis Suarez (Barcelona), Jamie Vardy (Leicester City), Arturo Vidal (Bayern Munich).