Yaya Toure oo aqbalay in uu cabsanaa balse uusan "si ula kac ah u isticmaalin khamri"

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Yaye Toure ayaa horay shaashadaha uga soo muuqday isaga oo diidan in khamri la siiyo

Yaya Toure oo khadka dhexe uga dheella Manchester City ayaa qirtay in uu cabsanaa, balse uusan "si ula kac ah u isticmaalin khamri".

33 jirkan reer Ivory Coast ayaan wax dood ah ka keenin oo aqbalay in ay jirkiisa ku jireen in kabadan xaddigii la ogolaa.

Waxaa laga mamnuucay in uu gaari wado 18 bilood waxaana lagu ganaaxay in uu bixiyo 54,000 oo gini.

Yaya Toure oo raali-gelin bixiyay

Taariikhda Yaya Toure

Toure ayaa sheegay in qofkaste uu ogyahay in uu Muslim yahay oo uusan cabin khamri, uuna markaste diidi jiray in lagu abaal mariyo khamri marka uu noqdo ciyaaryahanka ugu wanaagsan ciyaarta.

Toure inkastoo uu aqbalay xukunka hadana facebook-giisa kuma uusan faahfaahinin sida khamridu ay ku gashay jirkiisa, maadaama oo uu sheegay in uusan khamri cabin.