Chelsea oo hogaanka 6 dhibcood ku qabatay

Cesc Fabregas ayaa goosha guusha u saxiixay Chelsea Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Cesc Fabregas ayaa goosha guusha u saxiixay Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa lix dhibcood hogaanka ku qabatay ka dib markii ay kooxda Sunderland kaga badiyeen 1 iyo 0.

Goosha kali ah ee laga dhaliyay garoonka Stadium of Light waxaa Chelsea u sixiixay Fabregas oo dhaliyay qaybtii koobaad ee ciyaarta

Chelsea ayaa badisay ciyaartii tobnaad oo xiriir ah.

Sunderland oo marti loo ahaa ayaa isku dayday in ay iska soo gudo goosha balse uma aysan suurtagalin, waxayse qarka u fuushay in ay barbaro keento daqiiqadihii u dambeeyay ee ciyaarta kadib markii uu weerar qaaday Patrick van Aanhol, balse goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa si qurux badan u badbaadiyay weerarkaas.

Pep Guardiola oo raaligelin bixiyay

Waxay ahayd guul muhiim ah oo ay Chelsea dadaal badan u gashay, ka dib markii ay Arsenal guuldaraysatay Talaaadadii markii ay iska hor yimaadeen Everton.

Badintaas ayaana sababtay in kooxda Chelsea ee uu tabobaro Antonio Conte in ay hogaanka u hayaan horyaalka Ingiriiska inta lagu guda jiro wakhtiga Christmas-ka.