Maamuus loo sameeyay wiil yar oo Kansar qaba

Bradley hooyadii Gemma ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu ay saadaaliyeen in wiilkeedu uu bilo uun sii noolaan doono Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Bradley hooyadii Gemma ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu ay saadaaliyeen in wiilkeedu uu bilo uun sii noolaan doono

Wiil shan jir ah oo qaba Kansar aan la dawayn Karin ayaa lagu marti qaaday ciyaartii dhawaan dhex martay Sunderland iyo Chelsea.

Bradley Lowery, oo reer Britain ah ayaa 2013 la xaqiijiyay in uu qabo nooca Kansarka ee loo yaqaanno neuroblastoma.

Wiilka waxaa loo aruuriyay 700,000 oo Gini si loogu soo daweeyo dalka Maraykanka, 200,000 oo Gini oo lacagtaas ka mid ah waxaa ku deeqday kooxda Everton.

Si kastaba ha ahaatee hooyadii ayaa todobaadkii hore sheegtay in Kansarka wiilkeedu uu sii waynaaday lagana yaabo in dawayntu ay u horseedo uun in uu wakhti kale sii noolaado.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bradley waxaa garoonka Stadium of Light geeyay aabihii Carl
Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Bradley oo la sawiran Jermain Defoe oo afka hore uga dheella kooxda Sunderland
Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Taageerayaasha ayaa taageero ugu muujiyay sacab, funaanad ay magaciisa ku qorantahay ayaana garoonka la sudhay

Waxaa la xaqiijiyay Talaadadii in Bradley loo diray 11,000 oo warqadood oo dhiirigalin ah oo ay soo direen dad samo doon ah.

Qof taageera kooxda Everton ayaa abaabulay in dadku ay waraaqahaas dhiirigalinta ah u diraan wiilka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wuxuu la jimicsaday ciyaaryahanno badan oo uu ka mid yahay Diego Costa oo ah xidig u dheella Chelsea

Mowduucyada la xiriira